Madaxweynaha Galmudug oo magacaabaya Golle Wasiirro Cusub

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa lagu wadaa inuu maanta soo dhiso Golle Wasiiro cusub, taasoo qeyb ka ah isku shaan-dhayn uu ku sameynayo Xubnaha Wasiiradda ee hadda u dhisan.

Tani waxay qeyb ka tahay heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu-Sunna, inkstoo ay jireen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Dhuusamareeb, kuwaasoo aad dhaliilsan heshiiskaan, iyagoona ku doonaya inuu yahay mid aan sharci ahayn.

Wasiirada cusub ee uu soo magacaabi doono ayaa waxay gaari doonan illaa 25, 25 Wasiiro ku xigeeno iyo 8 Wasiiru-dowlayaal, sida ay laga soo xigtay illo wareedyo xog-ogaal ah oo uwaramay Warsidaha Garowe Online.

Wajiyadda cusub ee kasoo muuqan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxay inta badan ka imaan doonan Ahlu-Sunna, maadaama iyagu yihiin kuwa lagu soo darayo xubnaha cusub, islamarkaana la midoobay maamulkii hore ujiray.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto xiisad ka dhalatay Isku-shaandhaynta uu sameynayo Madaxweyne Xaaf, taasoo ay ka gadoodsan yihiin xubno kale, islmamarkaana ubadan Sharci-dejinta maamulka Galmudug.

Tani waxay sababi kartaa inuu labo garab ukala jabo Xilldhibaanada Galmudug, inkastoo wararku tibaaxayaan in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] uu taageero ka helayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casar.

Ahlu Sunna iyo Galmudug inkastoo ay la shaaciyay inay midoobeen, haddana waxaa khilaaf ka jiraa qaar kamid ah qodobada Heshiiskii Jabuuti, oo Ahlu Sunna ay doonayso xubno ka badan kuwa hadda ku jira baarlamaanka maamulkaasi in loogu daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM