Madaxweynaha Jabuuti oo ku wajahan Muqdisho iyo wadooyin la xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaamianayo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu soo gaaro magaaladda Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka muhiimka ah ee ku dhaw Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyadda, waxaana ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxda sare ee DF ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde si ay usoo dhaweeyaan Madaxweyne Geelle, oo u imaanaya Muqdisho inuu xariga ka jaro Safaarad cusub oo Jabuuti ka dhisatay degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu safar ku tagi doono gobolka Hiiraan, halkaasi uu uu ku booqan doono ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM