Madaxweynaha JFS oo kulan lagu dardargelinayo dagaalka AS la qaatay saraakiisha ciidamada

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada “xoreynta dalka” la yeeshay Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray kulanka xusay in si adag la isugula xisaabtamayo Saraakiisha mas’uulka ka ah fashalka amni ee ka caainaya AS in ay dib ugu soo laabtaan deegaanada ay dowladdu la wareegtay.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban Khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM