Madaxweynaha Jubaland oo ka dagey Muqdishu [Daawo]

Image

KISMAYO- Madaxwaynaha dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyagona ku siijeeday Muqdisho.

Wafdiga Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ka koobnaa labada gole waxaana garoonka ku sagootiyay Madaxwayne ku-xigeenka kowaad ee Jubbaland iyo Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa intii uu ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxa uu halkaas ku lahadlay Warfidiyeenada

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay kaga qayb galayaan asaga iyo wafdigiisa shirka madasha wadatashiga qaran ee geedi socodka doorashooyinka la filayo dhamaadka sanadkan in ay ka dhacaan dalka Somlia.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda maamulkaas qorsheysteen in kulankaan lagu qabto magaalada Kismayo.

Kulanka madaxda Somalida ayaa la filayaa inuu dhowana ka furmo magaalada Muqdishu iyadoo madaxweyne Xasan Shiikh la filayo inuu dib ugu soo noqdo dalka isagoo kulan wadanka dibadiisa kaga qayb galaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM