Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo kusoo laabtay

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Kismaayo soo gaaray.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dadweyne boqollaal gaarayey.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo maareeyaha dekedda Kismaayo uu kamid yahay, labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Muddadii uu Nairobi ku sugnaaa Madaxweynaha Jubaland wuxuu halkaa kula soo kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo weliba diblumaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu u Nairobi yahay.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo aadaysa xilli uu dhowaan Kismaayo ka furmi doono shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka oo lagu wado in labo maalmood kaddib uu furmo.

Wufuud tiro badan ayaa Kismaayo soo gaarey 24tii saac ee ugu dambeeyey, qaban qaabada shirkana si weyn ayaa loo dareemayaa iyadoo ammaankana aad loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM