Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismayo

Image

02 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magalada Kismayo kadib safar Todobaad qaatay oo uu ku tagay Kenya iyo Ethopia.

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Kismayo isaga iyo wafdi lasocday, waxaana soo dhaweyay ku xigeenkiisa Cabdullahi Sheekh Ismacil Fartaag, masuuliyiin kale oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo qaybaha kale ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaa saxaafadda u sheegay inay bishan gudaheeda billaabi doonaan hawlgal lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Jubbaland qaybtood, wuxuuna sannadkan ku tilmaamay kii Somalia isku filnaasho, ammaan iyo xasillooni heli lahayd.

“Sanadkii waxbadan Soomaalida ay sugaysay ayaan ku jirnaa, waxaan rajaynaynaa inay wax badan oo hormar ah aan samayno, ififaalo fiican ayaa ka muuqanaya guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, waxaan is leeyaahay colaadahana inay yaraan doonaan Al shabaab na lasoo dhamayn doono” Ayuu Madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa kawarbixiyay kulamo uu lasoo qaatay mas'uuliyiinta dowladaha Kenya iyo Ethopia, waxa uuna sheegay inay kasoo wada hadleen xaaladda Somalia, shirka dhawaan Kismayo ka dhici doona iyo qaabkii ay gacan uga gaysan lahaayeen shirka Kismayo ka dhacay bishan horaanteeda.

Shacabka maamulkaasi ayuu ku booriyay inay ka qayb qaataan sidii loo soo dhaweyn lahaa martiada ka qayb gali doontaa shirka Kismayo.

“Waxaan sugeynaa inaan marti soo dhaweyno, shirkaasi aan u diyaar garowno, waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in midnimada laga shaqeeyo oo gacmaha la is qabsado, oo ciidii isqoonsata ay wadahadal wax ku dhameeyaan” ayuu yiri madaxweynahu.

Safaro maalmo qaatay ayaa Madaxweynaha Jubbaland ku tagay labada dal ee dariska la ah Somalia, waxaana socdaalkiisu ku soo beegmay xilli uu khilaaf ka taaganyahay habraaca doorashada Somalia 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Eedeymo culus oo loo jeediyay xafiiska Xamza Cabdi Barre

Horaantii bishan ayay ahayd markii uu qarxay khilaafka kadib markii Axmed Madoobe ka baxay Shirkii fashilmay ee Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 06:33PM

Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 11:59AM