Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo magacaabay wasiiro cusub

Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa wuxuu magacaabay wasiiro cusub kadib markii uu eryay xubno kale oo ka tirsanaa Golahiisa Wasiiradda.

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Amniga, Geelle Isaaq Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle, Luqmaan Haji Baarqab, ayaa ah mas'uuliyiinta xilka laga qaadey.

Xasan Maxamed Cilmi ayaa lagu bedelay Geelle Isaaq, halka Yuusuf Sheekh Xasan Macalin loo xushay in uu xafiiska kala wareego Baarqab, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Waare.

Wareegtadda ayaa waxaanan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee keentay in shaqadda laga eryo labadda mas'uul oo midkood uu shalay ka dhawaajiyey in uu iska casilay jagadaas uu hayey.

Geelle Isaaq oo sidoo kale ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa ku eedeeyay hogaanka HirShabelle in ay is-hortaag ku sameeyeen banaanbax uu qayb ka ahaa oo dowladda dhexe lagu taageerayey.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faragelin ku haysa HirShabelle kadib markii maamulka uu taageeray baaq kasoo baxay Aqalka Sarre oo dalbayey in ay kulmaan madaxda dowlada iyo maamulada.

Ma jirto wax war ah oo mas'uuliyiinta la sheegay in xilka laga qaadey ay kasoo saareen talaabadda Waare oo u muuqda mid dhabarka aadiyey Madaxtooyadda Soomaaliya.

Golaha Senate-ka oo metela dowlad goboleedyadda ayaa magacaabay guddi ka shaqeynaya xalinta wadashaqeyn la'aanta dhinacyadda iyo is-mari-waaga ka taagan arrimo ay kamid tahay doorashooyika 2020-21.

BAYAANKA HIRSHABELLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM