Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Bakool Sare oo hadlay [Dhagayso]

Image

27 December, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka lamagac baxay Bakool Sare ayaa ka hadlay qaabka lagu doortay hogaan sare maamulka iyo sababaha ka dambaysay inay kasoo horjeestaan Koonfur Galbeed Somalia.

Axmed Nuur Shiikh Maxamed oo waraysi siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in maamulka u samaysteen duruufo iyo tixgalin la'aan kasoo wajahday Koofur Galbeed Somalia, arrintanna muddo kasoo socotay saddexda degmoo ee Bakool Sare ka koobantahay.

Ergooyin matalaysay degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato ayaa Madaxweynahu sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa doorteen, wuxuuna tilmaamay inay leeyihiin Dastuur iyo Xildhibaano.

Mar wax laga weydiiyay inay wadahadal la furayaan maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayuu sheegay inaysan arrintaasi samayn doonin, maamadama kusoo daaleen, haatanna taladu ka go'do shacabka deegaanadaas.

Dhinaca kale warbaahinta Radio Garowe ayaa arrintan waxa ka weydiisay maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulkaasi Xasan Cabdi Maxamed uu sheegay inaysan aqoonsanayn isla markaana dhinacooda diyaar u ahayn maamulkaas. Halkan ka dhagayso

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM