Madaxweynaha Somalia oo Bosaso laga sugayo

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta la qorshayanayaa inay tagaan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin heer Federal iyo maamul.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galaya furitaanka madaarka diyaaradaha Bosaso kaasoo barri 08 January, xarigga laga jari doono.

Wufuud kala duwan oo isugu jirta Somalia iyo ajaanib ayaa kusugan magalada Bosaso, waxayna ka qayb gali doonaan xafladda garoonkii ugu horeeyay caalami ah oo Somalia yeelato.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa lafilayaa inay ka yimaadaan; DJabuuti, Hargaysa, Muqdishi, Adis Ababa, Nairobi, Dubai, Thailand ,Turki China, Imaaraadka, Ethiopia, Masar iyo Kenya.

Ammaanka magalada ayaa la adkeeyay, waxaana xarunta gobolka Bari laga dareemayaa xaddiga dadka yimi iyadoo buux dhaafeen hotellada.

Faah faahinta warkaas iyo furitaanka garoonka, waxaad kala socon doontaan Radio Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM