Madaxweynaha Somalia oo guuldaro kala noqdey Baldweyne

Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Somalia- Madaxweynaha dowlada Federaalka oo maanta booqasho ku tagey xarunta Hiraan ee Baldweyne ayaa kulan uu la qaatey odayaasha dhaqanka ee gobolkaas waxaa warrarku sheegayaan inuu ku soo dhamaadey guuldaro kadib markii la isku afgran waayey qodobo muhiim ah.

Waftiga Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay kamid ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolkaas ayaa ujedkiisu ahaa in odayaasha Hiraan ku qanciyo iney dib ugu soo noqdaan madasha shirka ( Jowhar) ee maamul u sameynta gobolalada Shabeelaha Dhexe iyo Hiraan.

Wararka ku xeeran kulankaan ayaa sheegaya in kulan muddo saacado ah u socdey Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh natiijo la'aan ku dhamaadey iyadoo madax dhaqameedka Hiraan dalbadeen in kulankaan maamul u sameynta goboladaan lagu qabto magaalada Baldweyne islamarkaana dowlada Faraha kala baxdo arrimaha maamulka shirweynahaan.

Xasan Shiikh ayaa dabada ka riixaya  dhismaha maamulkaan loo sameeyo labadaan gobol inta aan la gaarin shirka lagu saxiixayo qaabka doorasho ee Somalia kasoo lagu wado in bishaan dabayaqadeeda ka dhaco dalka Turkiga.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia oo dib ugu soo noqdey magaalada Muqdisu ayaa horey u soo kexeysatey Ergo mataleysa gobolka Hiiraan kuwasoo uu damacsan yahay inay u raacaan dalka Turkiga.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo xubno kale ayaa soo raacay Madaxweynaha, iyadoo magaalada Muqdisho hore ugu sugnaayeen ergo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.

Siyaasiyiinta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiraan ayaa ka biyo diidan dadaalka Madaxweyne Dowlada Federaalka iyo xulafadiisa uga jiraan dhismaha maamulkaan madaama uu salka ku hayo olalaha doorashada ee uu filayo in nidaamka 4.5 lagu ansaxiyo shirka ka dhacaya dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM