Madaxweynaha Somalia oo tagaya Jowhar

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan magalada Jowhar xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo kasocota qaban qaabada shirka maamul u samaynta Shabeelaha dhexe iyo Hiiran.

Ujeedka socdaalka Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay furitaanka madasha wadatashiga shirka maamul usamaynta labadaasi gobolka kaaso maanta furmaya Jowhar.

Socdaalka waxaa madaxweynaha Somalia kuweheliya Wasiirro iyo Xildhibaano kasoo jeeda labada gobol ee maamulka loo dhisayo, waxayna qayb kayihiin wufuud todobaadkan kusoo qulqulaysay magalada Jowhar.

Waxaa isla maanta lafilayaa inay tagaan mas'uuliyiin kale oo ka imaanaya maamullada dalka kuwaas oo marag kanoqonaya furitaanka shirkaas.

Dhanka kale Ergooyin kasocda gobolka Hiiraan ayaa kuwajahan degmada shirka martigalinaysa.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka dhooban ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM