​Madaxweynaha Somalia "Siyaasadda ayaa naga xun"

Image

Madaxwaynaha dowladda Somalia Xassan Shiikh ayaa sheegay in Somalia uu san dal ahaan fashilmin, balse ay jirto siyaasad xumo dalka ragaadisay.

Xassan ayaa hadalkan ka jeediyay xilli uu  xalay ka qayb galay munaasiba lagu xusayay 26-June oo ah dharaartii ay qaadatay goboladda Waqooyi ee Somalia xogrimada, isla markaana ay iska qaaday heeryadii gumaysiga.

''Somalia dal ahaan ma fashilmin, ummad ahaan ma fashilmin, balse siyaasadda ayaa naga yara xumaatey, taasina waxay dhashey waxa aanu maanta ku suganahay, weli waanu nool nahay, waxaana waajib inaga saaran inaan saxno khaladaadka dhacay si aan u soo celino haybadii iyo sharaftii ay dalakani lahaa,'' Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxwaynaha ayaa cadeeyay in dalka Somalia ay ku jirto marxalad dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda, isla markaana la yigleeyo nidaam federaali ah oo xukunka lagu baahinayo, isagoona ku tilmaamay mid xal u noqon karta qalaalasaha siyaasadeed ee dalka la degay.

''Waa inaan dhisnaa tiirar adag oo wax ka tari kara mustaqbalka siyaasadda ee waddankeena, waa inaan iska ilaalinaa in mar kale aan ku dhacno khaladaadka aan horay u sameyney ee waddankeena burburka u horseeday, midnimadii Waqooyi iyo Koonfuur dhaawac siyaasadeed ayaa soo gaarey, balse bulshada Somali-yeed oo dhan ayaa maanta u baahan in dib loo mideeyo maadaama dagaaladii sokeeye ay dhaliyeen is-aaminaad darro iyo kalsooni xumo,'' Ayuu yiri Xassan Shiikh.

Madaxwaynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamud ayaa maanta dhigay taalada Daljirta daah-soon ee magaalada Muqdishu ubax lagu maamuusayo maalinta xornimada gobolada Waqooyi ee Somalia.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli madaxda haatan ka arrimisa Soomaaliya lagu dhaliilay siyaasad xumo iyo inay kasoo bixi waayeen qorshayaashii loo igmaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM