Madaxweynaha Somaliya oo magacaabey guddiga doorashada Heer Federaal [AKHRI]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somaliya- Qoraal ku taariikhaysan 15 June, 2016 oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlada Somaliya ayaa lagu magacaabey guddi Heer Federaal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee 2016.

Xeerka oo warsidaha Garowe Online soo gaarey xafiiskiisa ayaa lagu sheegey in Madaxweynaha dowlada Federaalka ah magacaabistaan sameeyey kadib markii uu arkey qodobka 87aad ee dastuurka islamarkaana madaxweynayaasha maamulada Somalida iyo Gudoomiye-yaasha gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe u soo gudbiyeen xubnihii uga qayb gali lahaa guddigaan.

Xubnaha guddigaan ayaa ka kooban 22 qof  waxaa kamid ah 5 Wasiir oo ka tirsan Dowlada Federaalka, 5 xubnood oo lagu magacaabey aqoonyahano oo ka kala yimid 5 beelood, maamulada Somaliya [ Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug] oo mid 2 xubnood soo dirsadey, Somaliland oo lagu qorey 2 xubnood halka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Hiraan mid Hal xubin ah laga siiyey guddigaan.

Guddigaan ayaa xubinta koowaad waxaa ah Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Federaalka Cabdoraxman Maxamad Xuseen Odawaa iyada oo maamulada ka tirsan Dowlada Federaalka soo dirsadeen wasiiro iyo xubno ka tirsan Barlamanadooda ama aqoonyahan.

Odawaa oo siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sida la rumeysan yahay ku guuldareystey maamul u sameynta gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiraan kadib markii lagu eedeeyey faragalin uu ku hayey beelaha halkaas wada_daga.

Madaxweyne Cabdiweli  Gaas ayaa sidoo kale guddigaan ku dirsadey xubno siyaasad ahaan aad ugu dhow kuwasoo kala ah; Wasiirkiisa ganacsiga Cabdiweli Xirsi Indhaguran iyo Saadiq Garaad, xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale wararka Garowe Online helayo sheegayaan inuu magacaabey guddiga Heer maamul goboleed kaasoo ka koobnaan doona 8 xubnood halka Dowlada Federaalka ku darsaneyso 3 qof.

Magacaabista guddigaan Heer Federaal ayaa waxaa wel wel ka muujiyey dhexdhexadnimadiisa siyaasiyin farabadan kuwasoo si dhow ula socda diyaargarowga doorashada la filayo in Somaliya ka dhacdo sanadkaan dabayaqadiisa.

Siyaasada ku wareegsan doorashooyinka Somaliya ee 2016 ayaa u dhexeysa madaxda Dowlada Federaalka oo musharaxiin u ah xilka ugu sareeya Somaliya  iyo  madaxweynayasha maamulada Dowlada Federaalka ka tirsan kuwasoo qorsheynaya iney lasoo baxaan murashax danahooda siyaasdeed u qumaya kuwasoo noqon kara kuwa xilalka haya waqtigaan ama kuwa kale. 

AKHRI WAREEGTADA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH KU MAGACAABEY GUDIGA DOORASHADA 2016 EE SOMALIYA


Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM