​Madaxweynaha Soomaaliya oo daah-furay qorshe saddex sano soconaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa  muddo 30 sano ah kadib maanta daah furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka - (National Development Plan), kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdishu.

Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaailya, ayaa ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey Qorshaha dowladda ee saddexda sanno ee soo socota.

Qorsha Qaran oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa soo socdey muddo sannad iyo bar, waxaana mas'uuliyiinta wasaaraddu sheegeen in dalka uu kasaarayo qorshahan dhaqaalo yarida ragaadisay dalka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ayaa tilmaamay in qorshahan socon doono saddex sano islamarkaana dalka uu ka saarayo saboolnimada.

Xubno kasocda xukuumadda, Barlamanka, Qaramada Midoobay iyo mas'uuliyiin kale ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mashruucan, waxayna tilmaameen in la heli doono isku filnaansho ku aadan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale iyo mashaariic hormarineed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo qorshan soo dhaweeyay, ayaa wasaaradda Qorsheynta faray in lagu daro Qorshaha, dabbagalka iyo qiimeynta si look ala ogaado hirgalinta, fulinta iyo caqabadaha ku yimaada qorshaha dowladda ee saddexda sanno.

“Somalia baahiyo badan ayay leedahay oo ay tahay inay buuxiso. Waxaana ka mid ah; Kaabeyaasheena dhaqaalaha iyo adeegyada kale oo dhan, kuwaa oo loo loo baahan yahay in si hufan loo dhiso. Barnaamijkaan waxaa lagu jaangooyay baahida maanta ee jirta, waxaana lagu beegay waqtigii ugu habboonaa. Si tartiib tartiib ah ayaan ula jaanqaadi doona hadba sida ay baahiyada u kala muhiimsan yihiin,’’ Ayuu ku daray hadalkiis.

Daahfurka qorshahan, ayaa lagu soo beegay xilli dalka Soomaaliya uu galayo marxalad kala guur ah oo dabayaaqada sannadkan waddanka ka dhici doonaan doorashooyin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM