Farmajo oo u safray Qadar xilli madaxda maamulada shir uga furmayo Baydhabo

Image

DOHA- Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u ambabaxay maanta oo Axad ah magaalada Doha ee caasimadda dalka Qadar, xilli dowladiisa Khilaaf uu kala dhaxeeya dalka Imaaraadka.

Safarkaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliya agaasimhisa Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo xiriir dhow leh dowlada Qadar, waxaana booqashada Farmaajo ee Doha ay qaadan doontaa mudo labo maalmood ah.

Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa kula Kulmi doona Amiirka dalkaas Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani maalinta berri ah halka la yiraahdo Amiri Diwan si ay uga wadahadlaan arimo khuseeya labada dal.

Madaxwynaha booqashadiisa ayaa imaaneysa xilli uu aad u xumaadey xiriirka u dhexeeya wadanka Imaraadka Carabta iyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Doha ayaa imaaneysa xilli maanta magalada Baydhabo isugu tagayaan madaxda maamul goboleedyada kuwasoo ka wadahadli doona khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka iyo sida saameynta siyaasadeed ugu yeeshay geedi socodka dib u dhiska dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka, mowqifkaas oo ka careysiisyey xulifada Sucuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM