Madaxweyne Geelle oo ka hadlay Isbedellada Geeska Africa

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay BBC-da, qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay ka bixitaanka AMISOM, hehiiska DP World ee Dooraalle iyo Isbedalada Itoobiya.

Geelle wuxuu taageero wayn uu umuujiyay dowladda Soomaaliya ee hada jirta, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid guud ahaan dib usoo celisay astaamihii dowladnimadda, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dib loo arko Soomaaliya oo cagaheeda isku taagtay.

Isagoo ka hadlayay bixitaanka AMISOM, ayuu Geelle cadeeyay in Jabuuti ay horey uu u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in loo dhiso ciidamo qaran oo iyaga dalkooda ilaashadda, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas uu hada meel fiican marayo.

"Laakiin, waxaan u sheegayaa dalalka taageera AMISOM ee mar walba oranaya lacagtaan jaraneynaa, haday doonan hajartaan, in yar un-suga wax yar unbaa harayee," ayuu Geelle ku daray hadalkiisa.

Jabuuti ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanado kahor, iyadoo ka qeyb-qaadanaysa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ah joogay dalka ku yaalla Geeska Africa, ee colaadda la dagtay mudada ka badan 25-ka sano.

- Isbedelka Itoobiya -  

Mar wax laga weydiiyay isbedalada ka dhacaya gobolka Geeska Afrika, gaara ahaan Itoobiya, Madaxweyne Geelle ayaa soo dhaweeyay qorshooyinka Abiy Axmed, isagoo rajo ka muujiyay inuu dhex-maro xiriir wanaagsan iyo wadashaqayn heer sare ah.

Abiy Axmed ayaa booqashadiisii ugu horeeysay meel ka baxsan dalkiisa ku tagey Jabuuti wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay 2-dii April ee sanadkan, isagoo heshiis maalgashiga iyo iskaashiga Ganacsi la saxiixday Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa isha ku haysa Dekedo ku yaalla Soomaaliya, iyadoo dhawaan Abiy Axmed booqasho uu ku yimid Muqdisho uu heshiis arintaasi ku saabsan la galay Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM