Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo "xilka qaadis" lagu sameeyay

Image

DHUUSAMAREEB - Xildhibaanno kulan ku yeeshay maanta oo Talaado ah magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey.

Kulan ka dhacay Dhuusamareeb, oo ay soo xaadireen 142 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah loogu qaadey Mooshin kalsooni kala noqosho ah oo tan iyo shalay ka doodayay, waxaana mooshinka u codeeyay 140 oo taageeray xilka qaadista Carabeey.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Galmudug, garabka Dhuusamareeb Xareed Cali Xareed oo isna shalay xilka ka qaadey Xildhibaanada ku sugan Cadaado ayaa shir gudoomiyay kulankii maanta.

Carabeey oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in waxba kama jiraan uu yahay mooshinka xilka looga qaadey, isagoo ku dooday in tirada Xildhibaanada kulmay ay yihiin kuwa aan ka tirsanayn Galmudug, oo isagu ogeyn halka laga keenay.

Horey Xildhibaanada ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb waxay u sheegeen inay xilalka uga xayuubiyeen Madaxweyne Xaaf, Afhayeenka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa, Xareed Cali Xareed.

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya xilli Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyda uu war kasoo saarey xaaladda cakiran ee Galmudug, iyadoo madaxda Gollahu uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu fareglin ku hayo arrimaha maamulladooda.

Hogaamiye-yaasha Galmudug ayaa khilaafkoodda siyaasadeed gaarey meeshii ugu sareysay, oo hadda maamulkaasi u kala jabay markale labo garab oo iska soo horjeeda, waxaana xukunta khilaafka uu yahay heshiiskii Jabuuti iyo wadada loo marayo fulintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM