Madaxweyne Lafta Gareen oo markii ugu horeysay ka hadlay xariga Roobow

Image

BAYDHABO, Somalia - Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa ka hadlay markii ugu horeysay xariga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Musharaxiintii doorashaddii dhacday 19-kii December 2018.

Mid kamid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab ayaa xarigiisa ka dhaliyay Baydhabo rabshado galaaftay nolasha ku dhawaad 15 ruux, kuwaasi oo uu ku jiro Xildhibaan kamid ahaa Gollaha Wakiilada KGS.

Laftagareen oo war-fidiyeenka u waramay kadib kulan uu la yeeshay Odayaasha dhaqanka Beesha uu kasoo jeedo Afhayeenkii hore ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaaacida ayaa xusay in maamulkiisa uu ka xun yahay wixii dhacay, isaga oo balanqaaday inuu u istaagi doono xalinta wixii dhacay.

Madaxwaynaha ayaa si aan gambasho lahayn waxa uu raalin gelin ka siiyay Odayaasha, isaga oo daaha ka rogay in madaxda dowlada dhexe, maamulkiisa iyo Malaaqyada ay qaateen mas'uuliyada wixii dhacay.

Madaxda ugu sareysa dowlada dhexe – Madaxwayne Farmaajo iyo Afhayeenka Aqalka Hoose, Mursal, oo calaama saarkiisa utegay caasimad goboleedka Bay ayuu xusay "inay si rasmi ah" uga wada hadleen arrintaan.

Wadahadalada ayuu carabka ku adkeeyay inay qarka usaaran yihiin inay kusoo gabagaboobaan guul, isaga oo aanan meesha ka saarin in loo baahan yahay wadaxaajoodyo kale oo ay ufariisan doonan.

"Wixii dhacay wayba dhaceen…maxay udhaceen haatan looma joogo..waxaanu dooneynaa in wixii dhacay inaan xalino..dhamaantooda xalaa loo helay waa la xaliyay, waana la xalin doonaa," ayuu Madaxwaynuhu yiri.

Si shaqsi ah ayuu dusha u saartay Laftagareen inuu xusul duub ugeli doono in xal kama dambeys ah laga gaari doono xariga Mukhtaar Roobow iyo dhamaan waxyaabihii lasoo wariyay intii lagu guda jiray doorashada.

"Markii ay dhibtu idin ku dhaceysay aniga Madaxwayne ma ahayn, musharax wax doonayo baan ahaa…waana waxa la iidoortay inaan xaliyo arrimaha jira, waxaana u istaagi doonaa in xal la helo," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Xariga Mukhtaar Roobow iyo shacabkii ku geeryooday Baydhabo ayaa dowlada dhexe usoo jeeday dhaleecayn caalami ah, waxaana lagu dhaliilay inay faragelin qaawan ay ku sameysay doorashada dowlad goboleedkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM