Madaxweyne Mustafa oo Kulamo ka wada Jigjiga

Image

JIGJIGA - Madaxwaynaha cusub ee degaanka Soomaalida ee xubinta ka ah dowladda Federaalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa kulan la yeeshay saacadihii lasoo dhaafay hogaanka ugu sareeya ee ciidanka Liyuu Boolis, sida uu Warsidaha Garowe Online kasoo xigtay illo xog ogaal ah.

Kulankaan oo dhacay kadib markii Mudanayaasha Baarlamaanka ee degaanka ay meel-mariyeen Madaxwaynaha cusub, kaasoo lagu hor-dhaariyay Sharci dejiyaasha hortooda ayaa diiradda lagu saarey xaaladdaha amni ee degaanka iyo Rabshadihii dhacay sidii looga soo kaban lahaa.

Warar ku xeen-daaban kulanka ayaa intaas ku daraya in hogaanka ciidamadda Liyuu Boolis ay joojiyaan duulaanada aargoosida ah oo la sheegay inay ku qaadayeen degaanada ay ku sugan yihiin Dadka Oromada ah, oo colaado kala dhaxeysay Shacabka Soomaali Galbeed.

Madaxwayne Cagjar ayaa intii uu ku guda jiray khudbadii uu ujeediyay Xilldhibaanadda degaanka wuxuu carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro colaada Soomaalida iyo Oromadda, taasoo ay ku dhinteen Boqolaal dhinacyadda kala duwan ah.

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa odorsaday in Kumaan-kun oo Soomaali iyo Oromo isugu jira ay ku barakaceen colaadaha labadda Qowmiyadood, kuwaasoo ay tilmaameen inay ukala firirsameen degaanada ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamadda Liyuu Boolis oo uu abuuray maamulkii Cabdi Maxamed Cumar kaasoo haatan ku sugan Magaaladda Addis Ababa ayaa waxay ka kooban yihiin in ka badan 20-kun oo Askar, kuwaasoo loogu talagalay inay xaqiijiyeen amaanka degaanadda Soomaali Galbeed.

Intii uu jiray maamulkii Cabdi Illay waxaa lagu eedeeyay ciidamada Liyuu Boolis inay dhibaatooyin kala duwan ay ugeysteen shacabka degaanka, waxaana Madaxwayne Cagjar uu u sheegay hogaanka ciidamada inaanan lagu xadgudbin Rayidka, oo uu tilmaamay inay leeyihiin tixgelin gaar ah.

Kulanka uu Madaxwaynaha cusub ee degaanka Soomaali Galbeed la yeeshay hogaanka ciidanka Liyuu Boolis ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo uu la qaadanayo dhinacyada ku lugta siyaasadda degaanka, isaga oo kala hadlaya inay la shaqeeyaan maamulkiisa cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM