Madaxweyne Waare oo heshiis la galay DF, kana goostay maamullada kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa shaaciyay maanta oo Arbaco ah shaaciyay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli maamullada kale ay go'aankooda ku adkaysanayaan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id uu ku qabtey Muqdisho, ayuu ku shaaciyay go'aankiisa, isagoo xusay in maamulkiisa iyo Villa Soomaaliya ay ka heshiiyeen mad-madowgii iyo khilaafkii soo kala dhex-galay, kadib wadahadal uu la yeeshay madaxda DFS.

Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay wadahadal la gasho maamullada kale, kuwaasoo wali ku adkaysanaya go'aankoodii ahaa inaysan wax xiriir ah la sameynin Villa Somalia illaa laga xalinayo tabashooyinkooda ay soo jeediyeen.

Madaxweynaha ma uusan shaacin qodobada heshiiska laga gaarey, balse warar ayaa sheegaya in arrimo ku saabsan in laga joojiyo mooshinka isaga ku foorara iyo in kacdoonka siyaasadeed ee uga kacsan gudaha maamulkiisa, gaar ahaan Baarlamaanka.

Hadalka Waare ayaa muujinaya inuu ka baxay go'aankii Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay ku gaareen Kismaayo 8-dii bishan, kadib shir socda 4 maalmood oo halkaasi ku yeesheen, iyagoo si kukul u dhaliilay siyaasada dowladda Federaalka.

Heshiiska HirShabeelle iyo dowladda Federaalka ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Waare dhawaan shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho uu eedeymo culus ugu jeediyay Xukuumadda Soomaaliya, isagoo xusay in amaanka ay ku fashilantay.

Lama oga in madax kale ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay qaadi doonaan tallaabada Waare oo kale iyo inay ku adkeysan doonan go'aankoodii hore ee xiriirka ugu jareen Villa Somalia.

HALKA KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WAARE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM