Madaxweyne Xaaf Muqdisho kula kulmay Martin Deal

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa kulan la qaatay Sii-haayaha Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Martin Deal.

Labadda mas'uul ayaa kawada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaara ahaan amaanka, siyaasadda iyo sidii dowladda Mareykanka uga qayb qaadan lahayd in degaanadda Galmudug laga xorreeyo Dagaalyahada Al-Shabaab.

Kulankaan oo qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Gollaha sharci dejinta ee Galmudug, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Galmudug iyo xubno ka socday xafiiska Madaxweyne Xaaf.

"Waxaan kulan kula yeeshay Muqdisho ku xigeenka Safriirka dowlada Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Martin Deal oo aan kawada hadlay arrimo ku saabsan amaanka, siyaasadda iyo qodobo kale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Xaaf.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu bidhaamiyay in Xaaf iyo Martin Deal ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan dhaqaalaha, iyo Bani’aadanimadda, iyo sida degaanada Galmudug uga fulin lahayd mashaariicyo dadka tabaalaysan wax loogu qaban lahaa.

Mareykanka ayaa qayb ka ah dalalka taageera Soomaaliya, si gaar ah waxa uu dhaqaalo fara badan uu ku bixiyaa dagaalka ka dhanka kooxaha loogu argigixisadda, wuxuuna ka fuliyaa meelo badan oo dalka kamid ah howlgalo dhanka cirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM