Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro AS

Image
Booqashadan ayuu madaxweynuhu ku dardargelinaya dagaalka oo bilooyinkii la soo dhaafay hakad ku yimid.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Booqashadan ayuu madaxweynuhu ku doonayaa inuu ku xoojiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada AS, isagoo ciidamo dheeraad ah u diraya degmadaasi, isla markaana Khudbad dhiiri gelin u jeedin doona Ciidamada Dowladda ee Jiidda ku sugan.

Degmada Xarardheere ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee lagala wareegay kooxda AS intii lagu guda jiray wajiga 1-aad ee dagaalka.

Kooxda AS ayaa dhawaan kooxda qabsatay deegaano u dhow degmadaasi; isla markaana isku diyaarinayay inay weeraraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filaya dagaalka ka dib inuu sidoo kale u ruqaansado dhanka degmada Ceeldheer iyo masagaawaa, si loo dardargeliyo dagaalka socda ee bilooyinkii la soo dhaafay hakad ku yimid.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM