Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Aas'aasayaasha kudlada Toosin

Image
Madaxweynaha ayaa ku guda jira dardargelinta meelmarinta afarta cutub ee xildhibaanadu ka doodeen.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan la yeehay hogaanka kudlada Toosin Qaran.

Kulankan oo ay faahfaahin ka bixisay Villa Soomaaliya ayaa daarnaa xaalada guud ee Dalka gaar ahaan arrimaha Amaanka iyo dhameystirka Dastuurka ay hada doodiisu ka socoto Xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweynaha JFS ayaa xubnahaan ka dhageystay talooyinka iyo aragtida ay ka leeyihiin dhameystirka Dastuurka iyo arrimaha amniga, oo ay ugu wacantahay habacsanaanta dhanka amaanka.

Xubnaha Kudlada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira Dastuurka.

Kullamadan ayaa imaanaya iyadoo ku dhawaad ​​70-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo si buuxda uga soo horjeestay barnaamijka dhameystirka dastuurka, kuna tilmaamay in uu baalmarsanyahay hanaankii loogu talo galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM