Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka dalkeenna ee SYL ayaa ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa "dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan halganka diiniga ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Amniga iyo Horumarka dalka".

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM