Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada oo ku qulqulaya Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa kusii qul-qulaya magaalada xeebta ku taalla ee Kismaayo, halkaasoo uu ka furmayo maalinta berri ah [Isniinta, 3-da September] shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Gollahan oo ka kooban shanta Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxay kulankooda berri furmaya ay diiradda ku saari doonaan arrimo khuseeya maamulladooda iyo xaaladda guud ee dalka.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah, oo kuwa Kenya ay kamid yihiin dhigay wadooyinka Kismaayo, si ay amniga u adkeeyaan maadaama uu ka furmayo magaalada Shir muhiim ah, oo madax sare ay kasoo qeyb-galayaan.

Qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamul goboleedyada ayaa maanta gaarey Kismaayo, waxaana la filayaa in dhamaan hogaamiye-yaasha ay caawa ku hoydaan magaalada, maadaama uu shirka berri furmi doono.

Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu aas-aasay Kismaayo October, 2017, ayaa kulamo ku yeeshay caasimdaha maamullada, oo ay ugu dambeysay magaalad Baydhabo oo ay ku shireen madaxda bishii May ee sanadkan.

Shirka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Jubbaland iyo dowladda Federaalka uusan wanaagsanayn, islamarkaana uu gaarey meeshii ugu hooseysay, iyadoo Villa Somalia lagu eedeeyay inay ka shaqeynayso sidii lagu bedelo lahaa Axmed Madoobe.

Sidoo kale kulanka waxuu imaanayaa iyadoo Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin, waxaana hogaamiyaasha hadda ka arrimiya maamulladan ay u xusul-duubayaan inay dib ugu soo laabtaan awoodda.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Maxkamadda Sare: Mudo-xileedka Xasan Sheekh wuu dhamaadey waa in doorasho la qabtaa 3 bilood gudahooda

Waxay tilmaantay in haddii aan arrintaas si cad loo qeexin, muddada cusub aan si toos ah loogu dabaqi karin hay'adaha xilka haya.

  • Soomaliya

    05-11-2026

  • 12:34PM

Aweys Xaaji oo ka hadlay ka-bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Sidoo kale, dhinacyadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo joogto ah.

  • Soomaliya

    04-11-2026

  • 02:04PM