Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Image
Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Turkiga uu dalka ka bilaabayo qodista shidaalka gaar ahaan degaano ku teedsan xeebaha laga bilaabo sanadka soo socda.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Cabdi ‘Carabey’, meelaha laga qodayo shidaalka waxaa kamid ah magaalada Baraawe.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, Cabdi waxa uu caddeeyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray sarkaal Turki ah oo ku saabsanaa qorshaha howlgalka qodista shidaalka ee badda hoose laga bilaabo horraanta sanadka 2025-ka.

“Waa sax, waana qeyb ka mid ah heshiiskii aan la galnay (Turkiga). Waxay bilaabi doonaan hawlaha seismic iyo qodista xeebaha ku wajahan degmooyinka Baraawe iyo Hobyo,” ayuu yiri Carabey.

Sarkaalka Turkiga ah ee hadalkaas sheegay waa Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee Turkiga Alparslan Bayraktar kaasoo hadlay usbuucii hore.

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga kaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in ay gacan ka geysan doonaan iskaashiga dhanka sahaminta iyo ka faa'ideysiga shidaalka.

Baraawe ayaa qiyaastii 200 km dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho halka Hobyo ay dhanka waqooyi bari ka xigtaa qiyaastii 500 km. Labadan magaalo waxay ka kala tirsan yihiin Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM