Mahad: Dastuurku wuxuu gacanta ugu jiraa hay'ado shisheeye [Daawo]
NAIROBI, Kenya- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdallah Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in habka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya uu yahay mid hareer marsan sharciga dalka islamarkaana uu u af-duubanyahay hay'ado shisheeye.
Isagoo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya islamarkaana ka qayb galayay shir ay goob joog ka ahaayeen xubno katirsan beesha Caalamka, ayuu Xildhibaanku tilmaamay in dib u eegista Dastuurka Soomaaliya lagu bixiyay malaayiin doollar islamarkaana aysan jirin cid talo laga weydiiyay habka loo wato.
Mahad Cawad ayaa sheegay in fikrado laga aruuriyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibada inta islamarkaana aysan jirin cid lala wadaagay, isagoo waliba sheegay inaan loo ogolayn golayaasha dowladda Soomaaliya gaar ahaan Barlamanka iyo Xukuumadda.
"Waxaa la waraystay Tobananaan kun qof oo Soomaali ah, oo dibada jooga oo gudaha jooga, qaar si toos ah loo waraystay, qaar si dadban loo waraystay, qaar warbaahinta lagu soo waraystay, qaar lagu waraystay fariimaha gaa-gaaban ee Taleefonka, kumaan-kun oo qof oo Araahdooda la soo aruuriyay, ra'yigoodii iyo wixii laga soo aruuriyay ma haynaa?, ma hayno, hay'ad baa qaadatay oo haysata, anaga Barlamanka ah ma naloo ogola, xukuumad looma ogola," ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Barlamanka Soomaaliya Mahad Cawad oo intaas ku daray, "Kharashka ku baxay Malyuumaad kun oo doollar weeye oo ay EU-du kamid tahay."
Xildhibaanku isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in arrintan tahay mid aysan ku matali karin shacabka Soomaaliyeed islamarkaana dani ugu jirin, wuxuuna ku baaqay in beesha caalamku gacan ka gaysato sidii arrintan wax looga qaban lahaa taageerana ay u siin lahaayeen dowladda Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka ayuu ku tilmaamay inay yihiin wuxuu ugu yeerya "Dawo iyo Sun wada socda", isagoo tilmaamay inay arrimo badan oo farsamo uga baahanyihiin oo ay caawimaad kamid tahay, balse ay barbar socdaan in xoriyadda laga qaado hay'adaha dowladda iyo shacabka intaba, taasina ay tahay mid aan u cuntamin.
"Beesha Caalamka arrimo badan oo farsamo, dhaqaale ayaan uga baahanahay, balse waxaa jira waxyaabo badan oo xoriyadda dalka ka qaadaya, Dawo iyo Sun wada socda weeye, sababtoo ah beesha caalamka waxyaabo badan oo aanan uga maarmin ayaa jira, farsamo ahaan, dhaqaale ah, laakiin si fudud ayaa ka tashiga masiirkaaga si fudub looga saarayaa," ayuu yiri Cawad.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in masiibada hadda muuqata aysan ahayn mid ku cusub dalka ee ay horay uga dhacday qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee ay taageereen beesha caalamka, wuxuuna tusaale u soo qaatay maamulka Koonfur-Galbeed.
Wuxuu sheegay in dhismihiisa lagu soo beegay waqtiga ciida Gaalada ee Kirismaska loo yaqaano, iyagoo ka cararaya in maalintaas dhaafto ay go'aan ku gaareen in dhismaha maamulkaas oo dhan la soo koobo waqti yar, islamarkaana inta dhowr qof meel la isugu geeyo la yiraahdo go'aan ka gaara masiirka dadka, taasina ay dhalisay in Dastuurka Koonfur Galbeed uu yeelan waayo jiho loo raaco.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli wasaaradda Dastuurka Soomaaliya gaar ahaan Wasiir Cabdi Xoosh uu marin habaabiyay qorshaha dib u eegista Dastuurka dalka isagoo gacanta u galiyay qaar kamid ah hay'adaha Qaramada Midoobay kuwasoo Lacago tiro badan ku bixiyay sidii la tashiyo looga samayn lahaa.
Dhawaan Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya u xil-saaran inay dib u eegaan Dastuurka ayaa cabasho ka muujiyay hab dhaqanka Wasaaradda gaar ahaan Xoosh oo uu sheegay inuu meesha ka saaray shaqadoodii iyadoo sharciyan aysan meelna kasoo galin wasaaraddo arrimaha dib u eegista Dastuurka.
Walaacan ayaa imaanaya iyadoo qorshuhu ahaa in sannadkan lasoo gaba-gabeeyo dib u eegistan lagu samayn lahaa Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo farogalin badan lagu sameeyay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA UU ARRIMAHAAS UGA HADLAYO XILDHIBAAN MAHAD CAWAD
GAROWE ONLINE