Mahdi oo Somalia ku matelaya Shir ka dhacaya Jordan

Image

MUQDISHO, Somalia - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isaga oo kusii jeeda wadanka Jordan.

Ujeedka safarka ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay ka qaybgalka ay shir balaaran, kaasi oo ay isugu imaan doonan qaar kamid ah dalalka Carabta.

Shirkaan oo maalmo soconaya, islamarkaana Soomaaliya loosoo diray caasuumaad kasoo qaybgal ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan Isbedalka cilimadda aduunka iyo waliba degaanka.

"Waxa aan maanta u dhoofayaa dalka Jordan oo aan kaga qayb gelaayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo lagaga hadli doono Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka," ayuu Khadar u sheegay warbaahinta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudada uu shirku socdo ay kasoo baxaan qodobo miro dhal ah, oo ay dan ugu jirto shacabka iyo dalka Soomaaliyeeed iyo caalamka.

Dooda ku saabsan Is-bedalka cilimada caalamka oo soo jiitameysay tan iyo markii lagu saxiixay magaalada Paris sanadkii 2016-kii ayaa kamid ah waxyaabaha ugu culus oo ay isku hayaan awoodaha kownkaan.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta dalalka saameynta ugu balaaran ay ku yeelan karto Is-bedalka cilimada, maadaama dadkeeda ay ubadan yihiin Xoolo dhaqato iyo Beeraley ku tiirsan tacabka kasoo go’o Beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM