Maleyshiyaad daacad u ah Roobow iyo Al-Shabaab oo dagaalamay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaal culus ayaa lagu waramayaa in maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay tuulada Abal, oo qiyaastii 18 KM dhanka Bari uga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta gobolka, iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay maleyshiyaad daacadda u ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Maleyshiyaadka daacada u ah ku xigeenkii hore ee hogaamiyaha kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kaasi oo ku xiran Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay is-rasaaseynta oo ay tibaaxeen in ay Al-Shabaab soo qaadey.

"Rasaas culus ayaa maqalnay … laakiin ma xaqiijin karo khasaaraha," ayuu yiri qof kamida dadka maxaliga ah oo sababo jira awgeed u khariyay magaciisa xili uu khadka telafoonka kula hadlayey Garowe Online.

Maleyshiyaadka taageersan Mukhtaar Roobow oo la baxay magaca "Caaro Caaro" ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan waxyeelada – dhimasho ama dhaawac – ee ka dhashay isku dhacaasi.

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkaan oo kasoo baxay dhinaca kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Caaro Caaro oo uu Roobow sameystay Shan sano kahor markii uu kasoo baxay Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh nawaaxiga Xudur xili aan lagu biirin ciidamada qaranka tan iyo markii uu isa soo dhiibay Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo haatan xabsi guri ugu jiray xukuumada Muqdisho ayaa magaalada Baydhabo laga soo xiray bishii December 2018-kii si looga reebo tartanka doorashada Koonfur Galbeed oo uu murashax u ahaa.

Qabashada Roobow oo ay ka dhasheen dibad-baxyo rabshado watay oo horseeday dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya, oo la sheegay in ay magdhow ka bixineyso.

Dagaalkaan la sheegay in uu maanta dhacay ayaa noqonaya midkii labaad oo dhex-mara labada dhinac tan iyo markii isa soo dhiibay Roobow xili isku dhicii koowaad lagu khaarijiyey wiil uu dhalay Mukhtaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM