Maamulka Jubbaland oo ka hadlay qaraxii lala eegtay AMISOM

Image
Image
Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qarax maanta bartamaha magaalada Kismaayo lagula eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Burundi.

Afhayeenka mamulkaa Jubbaland Cabdinaasir Seerar Maax oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ay ku dhaawacmeen sideed ruux oo rayid ah kuwaasoo qaar kamid ah xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Seeraar ayaa ku eedeeyey weerarkaas kooxda Al-shabaab oo sida uu tilmaamay ah kuwo naf lacaari ah oo meelaha ay ku sugan yihiin weeraro noocaan oo kale ah ka gaysta.

Ma jiro wax khasaare ah oo qaraxaas kasoo gaaray ciidanka Burundi marka laga reebo waxyeelo soo gaartay gaarigii uu qaraxu haleelay.

Dadka Kismaayo ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaataan adkaynta amniga isla markaasna ay laamaha ammaanka kusoo war galiyaan waxay ka shakiyaan.

Kismaayo ayaa waxaa ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gado, shirkaas oo goobta uu ka socdo ammaankeeda si weyn loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM