Mareykanka oo baaq u diray madaxda kadib dagaalkii Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay colaada hubeysan ee ka bilaabatay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhinacyadda loogu baaqay in ay ka fogaadaan iska-hor-imaadyada dhiilada leh.

"Waxaan ku baaqeynaa in colaada lagu dhameeyo xal nabdoon oo siyaasadeed," ayaa lagu soo qoray bogga Twitter-ka ee safaaradda.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Dhamaan hogaamiyeyaasha waxay u baahan yihiin in ay dulqaad muujiyaan qaboojiyaanna xaalada si ay uga faa'iideystaan Soomaalida ku dhaqan gobolka".

Hadalkaan ayaa yimid iyaddoo maanta ay magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, iyo askar kale oo daacad u ah Dowladda Soomaaliya.

Ku dhowaad tobban ayaa ku dhimatay isku dhaca oo ku bilowday qarax xoogan isla markaana burburiyey hoy badan, barakac baahsan ka sababay degaanka.

Villa Soomaaliya iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa cilaaqaadka siyaasadeed oo wanaagsan uusan ka dhaxeyn sida maamulada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM