Mareykanka oo baaris ku bilaabay drone uga soo dhacdey Soomaaliya

Image
AFRICOM ayaa sheegtay inay soo bandhigi doonto xog dheeri ah marka baarista soo dhamaato.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay baarayaan waxa sababay in diyaarad Drone ah oo ciidanku ay ku burburto koonfurta Soomaaliya todobaadkan.

Taliska Militariga Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa dhacdadan ku xaqiijiyay qoraal ay Jimcihii soo dhigeen baraha bulshada ee X.

"Ciidan Mareykan ah oo howlgal ka fuliyay MQ-1C ayaa ku burburay koonfurta Soomaaliya abaarihii 12:40 PM ee maxalli ah Noofambar 5," AFRICOM ayaa tiri. "Baaritaan ayaa socda, inkastoo shilka uusan u muuqan mid ka dhashay isku day kasta oo lagu soo riday diyaaradda."

AFRICOM ayaa sheegtay inay soo bandhigi doonto xog dheeri ah marka la helo.

AFRICOM ma aysan shaacin goobta rasmiga ah ee diyaaradan ay ku soo dhacday, balse sarkaal u hadlay Soomaaliya ayaa sheegay in loo sheegay in diyaarad Drone ah ay ku soo dhacday deegaan ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay Diyaaradan inay ku soo dhacday Waqooyiga Deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo qiyaastii 85-KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho. Barre waxa uu sheegay in uusan garaneyn cidda iska leh diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

Ciidamada Mareykanka ayaa muddo sanado ah waday daba gal iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ku taageerayaan maamuladii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

Intaa waxa dheer, Maraykanku waxa uu sidoo kale tababaraa cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska ee Soomaalida ee loo yaqaan Danab, ama hillaaca.

Horaantii sanadkan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo illaa shan saldhig oo ciidamada Danab, mashruucan oo lagu qiimeeyay in ka badan 100 milyan oo doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM