Mareykanka oo duqayn ka fuliyay Koonfurta dalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO (GO)- Duqayntaan oo ka dhacday xalay oo Jimco ahayd degaan ku dhow Tuuladda Buladul-Amin ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lala bartilmaameed-saday Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa lagu xaqiijiyay jiritaanka duqaynta, waxaana la tilmaamay inay ku dileen afar kamid ah xoogaga Al-Shabaab.

“Howlgalka ay nagala qayb qaateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo aan ka fulinay degaan 70 KM ujira Magaalada Muqdisho, waxaan ku dilnay Afar dagaalame oo Al-Shabaab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in illaa iyo haatan aysan ogayn hadii ay weerarka dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya ay geysatay khasaaro soo gaaray dad rayid ah, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya arrinkaas.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo duqaynta ka hadashay waxay daboolka ka qaaday in xubnaha la dilay ay yihiin dad rayid ah, iyaga oo iska fogeeyay inay yihiin dagaalmayaal iyaga ka barbar-dagaalama.

Mareykanka ayaa inta badan howlgalo dhanka cirka ka fuliya Koonfurta, Bartamaha iyo Woqoyga Soomaaliya, waxayna ku beegsadaan xubnaha ugu sareeya iyo Dagaalyamayaasha Al-Shabaab.

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM