Mareykanka oo Duqeyn diyaaradeed ka fuliyay gobolka Baay [Khasaaraha]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM, ayaa shaaciyay in duqayn cusub uu ka fuliyay degaanka buurladeyda ah ee Geelway ee hoostaga gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarkaan cirka ah oo dhacay Jimcadii uu ku dilay Sagaal kamid ah xoogaga Al-Shabaab, xili meesha laga saarey hadii ay jirto khasaaro shacab.

“Si ay usii socoto dadaalada DFS looga saacido wiiqida Al-Shabaab, milatariga Mareykanka wuxuu duqayn ku beegsaday Al-Shabaab 30-ka November. Sagaal [9] ayaa laga dilay,” ayuu lagu yiri bayaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay duqayntaan ayaa sheeganaya in weerarka cirka ah lagu dilay saraakiil sarre oo dhinaca tababarka ah iyo taliyeyaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waa duqayntii 37aad oo ay AFRICOM ka fuliso Soomaaliya guud ahaan sanadkaan 2018, oo kaliya bil ay naga xigto inuu dhamaado, waxaana badi weeraradaasi cirka ah uu ku beegsaday xubnaha Shabaab iyo saldhigyadooda.

Geelway, oo ah meesha ay rasmiyan ka dhacday duqaynta cusub oo ay Al-Shabaab ku lahayd fariisin, ayaa wuxuu udhaxeeyaa magaalooyinka Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kawada tirsan gobolka Bay.

Bay waa mid kamid ah gobolada ay joogitaanka ugu badan ay ku leedahay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, halkaasi oo la aaminsan yahay inay kamid ah meelaha ugu badan ee lagu tababaro dagaalamayaasha kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM