Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyey Jubbada Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay in afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab uu ku dilay weerar cirka ah oo uu Soomaaliya ka fuliyey.

Duqaynta ayaa 14-kii bishaan October, [maalintii Sabtida] ka dhacday Buundada Araara ee isku xirta goboladda Jubada Hoose iyo Dhexe, halkaasi oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka dhacaan.

AFRICOM ma aysan sheegin hadii xubnaha ay beegsatay ay ku jiraan saraakiil, laakiin waxay meesha ka saartay in waxyeelo shacab ay kasoo gaartay duqayntaan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarkaan cirka oo noqonaya kii 23aad oo uu Mareykanka ka fuliyo kaliya sanadkaan guud ahaan Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo bishaan October, maadaama tii koowaad ka dhacay Mudug.

Duqaynta gobolka Madug oo uusan Talisku sheegin tiradda dagaalamyaasha uu ku dilay ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Xarar-dheere, xili lala beegsaday Kolanyo gadiid ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in Kolanyadda oo ka koobneyd Cabdi Bille iyo gaari nooca raaxadda ah ay ku gubteen meesha lagu duqeeyay, inkasta oo aanan la ogayn khasaaraha.

Madaxwayne Donald Trump ayaa ku amray saraakiisha hogaamineysa ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan inay fuliyaan howlgalo, iyaga oo aanan wax latashi ah la sameynin dowlada Soomaaliya.

Duqaymaha uu Mareykanku ka fuliyo dalka oo mararka qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto dad Rayid ah ayaa inta badan ujeedkoodu wuxuu yahay buburinta Saldhiyada Al-Shabaab iyo gaadiidka ay la socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM