Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFICOM] ayaa sheegay maanta oo Arbaco in weerar dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya, shalay oo Talaado ahayd [21-ka August].

War-Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in labo xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeyn ay diyaarad dagaal ka fulisay meel qiyaastii 46-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in weerarka uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku nool degaanka ay duqeynta ka dhacday, taasoo loo maleynayo inay fulisay diyaarad drone ah.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii 20-aad oo Ciidamada Mareykanka ku beegsadaan Kooxda Al-Shabaab gudaha Soomaaliya sanadkan gudahiisa, kuwaasoo lagu dilay dagaalyahanno badan.

Maamulka Trump ayaa bixiyay amar lagu kordhinayo weerarada duqeymaha ee Soomaaliya bishii Maarso ee 2017, si loo wiiqo khatarta kooxaha argagaxisada ee geeska Africa.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda uga khatarta badan gobolka, waxaana ay inta badan weeraro ka fulisaa Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM