Mareykanka oo Gaadiid Gaashaaman siiyay DFS [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa maanta oo Talaado ah soo gaarsiisay Gaadiid Gaashaaman Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka difaacca Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wareejiyay 6 Gaari oo nooca aan Xabadda Karin ah kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda muhiimka u ah.

Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa gudoonsiiyay Gaadiidkan deeqda ah Wasiir Mursal kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Gaadiidkan ayay dowladda Mareykanka ugu tala-gashay in Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ay ku qabsato howlaga gaarka ah, sida in lagu qaado Saraakiisha ciidamada xoogga oo hadda aan haysan baabuurta aan xabada-karin.

Mareykanka ayaa ka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya dhinac ciidanka, oo tababaro iyo qalab u siiso, iyadoo sidoo kale ay ka joogaan dalka in ka badan 500 oo Askari kuwaasi oo ka qeyb-qaata howlgallada gaarka ah ee lagu qaado xaruumo Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM