Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Image

Muqdisho — Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa wajahaya khatar sii kordheysa oo ah inuu burburo, kadib markii Mareykanku go'aansaday inuu joojiyo taageerada uu siiyo xafiiska Qaramada Midoobay ee bixiya saadka iyo adeegyada muhiimka u ah hawlgalka bisha December 2026.

Warbixin ay daabacday The EastAfrican ayaa sheegtay in go'aanka Washington uu geliyay AUSSOM xaalad dhaqaale oo aad u adag, maadaama hawlgalku si weyn ugu tiirsanaa taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay maalgelin weyn ku lahayd dowladda Mareykanka. 

Sida warbixintu xustay, haddii aan la helin ilo dhaqaale oo kale ama aan la gaarin heshiis cusub oo maalgelin ah, ciidamada AUSSOM waxay wajihi karaan dhibaatooyin la xiriira mushaharka, saadka, gaadiidka, caafimaadka iyo howlaha maalinlaha ah, taasoo halis gelin karta dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya. 

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka, iyadoo dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay ka walaacsan yihiin in hoos u dhaca maalgelintu uu abuuri karo firaaq amni oo ay ka faa'iideysan karaan Al-Shabaab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM