Mareykanka oo Howlgal ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARIIRE, Soomaaliya - Ciidamo Mareykanka, oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgal gaar ah ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in Howlgalka uu ka dhacay Tuulada Macallinka, oo ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Bariire, halkaasi oo ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa lagu dilay howlgalka, iyadoo 10 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan bartilmaameedka weerarka.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab Beeralay ah, kuwaasi oo Ciidamada ay beegsadeen xilli ay la socdeen Gaari Cagaf-Cagaf saqdii dhexe xalay, iyagoo khudaar u waday degmada Afgooye.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose wali wax fahfaahin ah kama bixin howlgalka, kaasi oo dhacay saacado kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Suuq kuu yaalla degmada Wanlaweyn.

Ciidamada Mareykanka, AMISOM iyo kuwa dowladda Federalka ee ku sugan gobolka ayaa lagu soo waramayaa inay sameynayaan dhaq-dhaqaaqyo ay kaga hortagayaan weeraro suurta gal ah in Al Shabaab ee bisha Ramadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM