Mareykanka oo Howlgal ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARIIRE, Soomaaliya - Ciidamo Mareykanka, oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgal gaar ah ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in Howlgalka uu ka dhacay Tuulada Macallinka, oo ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Bariire, halkaasi oo ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa lagu dilay howlgalka, iyadoo 10 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan bartilmaameedka weerarka.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab Beeralay ah, kuwaasi oo Ciidamada ay beegsadeen xilli ay la socdeen Gaari Cagaf-Cagaf saqdii dhexe xalay, iyagoo khudaar u waday degmada Afgooye.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose wali wax fahfaahin ah kama bixin howlgalka, kaasi oo dhacay saacado kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Suuq kuu yaalla degmada Wanlaweyn.

Ciidamada Mareykanka, AMISOM iyo kuwa dowladda Federalka ee ku sugan gobolka ayaa lagu soo waramayaa inay sameynayaan dhaq-dhaqaaqyo ay kaga hortagayaan weeraro suurta gal ah in Al Shabaab ee bisha Ramadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM