Mareykanka oo iska fogeeyay duqeyn ay shaacisay Soomaaliya

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay buuraha Cal Madow, sidda dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay 26-kii bishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in AFRICOM aysan ku lug lahayn howlgalka ka dhacay buuraha Cal Madow ee dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay 26-kii bishan.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay soo gaartey xogta weerarkaas balse waxa uu ka gaabsadey in uu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo cidda ka dambeysay. 

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan “qaraxyo” balse waxa uu sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen duqeyn.

Maxamuud Ceydiid Dirir oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale waxa uu si adag ugu dooday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku lug leedahay arrintan.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay “duqeyn” iyo saddex qarax ay ka dhaceen, waxayna xuseen in uu rumeysan yahay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Duul ee Cal Madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM