Mareykanka oo saldhigyo cusub ka sameysanayo Soomaaliya

Image
Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu dalka u fidin doono taageero milateri.

Muqdisho, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu saldhigyo cusub ka sameysanayo Soomaaliya, taaso qeyb ka ah dadaalada ciidamada Soomaaliya loogu diyaarinayo inay Howlgalka ATMIS kala wareegaan Mas’uuliyadda Amaanka.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay taageeradan inta lagu guda jiray kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon.

Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu Soomaaliya u fidin doono taageero milateri oo lagu qiyaasay boqol milyan oo dollar, si looga caawiyo ciidamada in ay la wareegaan Shaqada ATMIS ka hor dhamaadka sanadkan.

Dhamaadka sanadkan ayaa la filayaa in Ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan, iyadoo lagu bedelayo Ciidamada Dowladda oo horay ula wareegay Saldhigyo badan oo ay lahaayeen howlgalka ATMIS.

Saaxiibada Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawinaya sidii ay u sugi lahayd isbadalkan dhanka amniga ah, iyaga oo ka hortagaya qatarta kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM