Mareykanka oo shaaciyey sababta uu u dilay Bashiir Qoorgaab

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa shaaca ka qaadey sababta soo dedejisay dilka Bashiir Qoorgaab oo kamid ahaa saraakiisha sar-sare ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Christina Gibson, afhayeenka AFRICOM, ayaa u sheegay Military Times in Qoorgaab uu door weyn ku lahaa duulaanka ay kooxdaas ku qaadey xerada Manda Bay ee gudaha waddanka Kenya.

Xerada Manda Bay oo ku taala gobolka Lamu ayaa la beegsaday bishii Janaayo ee sanadkan 2020, waxaana lagu dilay saddex Ameerikaan ah xili lagu burburiyey diyaarado dagaal iyo qalab kale.

Gibson oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in ay u gaarsan doonan horjoogeyaasha Al-Shabaab ee wax ka naqshadeeyay weerarka Manda Bay, kaasoo su'aallo badan dhaliyey.

Qoorgaab ayaa 22-kii Febraayo, 2020 waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe kadib duqeyn cirka ah.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2020, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka geystay 26 howlgal oo cirka ah. 2019-kii, wuxuu qaadey 63, halka 2018-kii uu fuliyey 49 weerar oo dhanka cirka ah.

Waa kuma Qoorgaab?

Iyaddoo uu dhashay 1982, Qoorqaab oo aad ugu dhowaa hogaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa geeridiisu waxay saameyn "kartaa meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah."

Sidda ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadka ah, wuxuu ahaa abaanduulaha guud ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa la tibaaxay in uu ahaa madaxii howlgaladda ee dalka Kenya, halkaasoo ururka uu ka fuliyey howlgalo xoogan.

Intaas waxaa u wehlisay in uu xubin ka ahaa Golaha Fulinta. Si lamid ah, wuxuu ahaa u qaabilsanaha weerarada xerooyinka ciidanka.

Magacyadiisa afgarashada waxay kala ahaayeen;

Bashir Mohamed Mahmoud, Bashir Mahmud Mohammed, Bashir Mohamed Mohamud, Bashir Mohamed Mohamoud, Bashir Yare, Bashir Qorgab, Gure Gap, Abu Muscab, Qorgab

Sikastaba, Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed gaaraya 5 milyan oo Doolar, taasoo loo balanqaadey qof kasta oo soo gudbiya xog, ugu yaraan, lagu qaban karo ama lagu khaarijin karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM