Mareykanka oo soo dhaweeyay dalab ka yimid maamulada iyo Aqalka Sare

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay war-saxaafadeedyaddii kasoo baxay gudoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha Puntland, HirShabelle, Jubaland iyo saamileyda.

Dhinacyaddaan ayaa codsaday shir ay yeeshaan maamuladda iyo dowladda oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo qaabka uu dalka uga baxayo mar-xaladda kala guurka ah ee haatan uu ku sugan yahay.

Coddeynta qorshuhu ahaa in ay dalka ka dhacdo 2020-21 ayay sheegeen in aysan noqon kari qof iyo cod loona baahan yahay in heshiis mideysan laga gaaro qaabka lagu galayo kahor inta uusan waqtigu ka dhamaan dowlada.

Senate-ka ayaa soo jeediyey in ay shiraan dowladda iyo maamuladda kahor 25-ka bishaan "si loo helo hab la isla ogol-yahay oo lagu galo doorashooyinka". Kaalinta daneeyeyaasha ayuu sidoo kale xoojiyey.

Dhanka kale, xukuumadda Washington ayaa ugu baaqdey madaxda dowladda federaalka qaban-qaabinta "shir deg-deg ah" oo ay la yeeshaan maamuladda. Darafyadda ma wada shaqeynin bilooyinkii lasoo dhaafay.

"Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda'a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka; Qodobka 51 (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal jeer sanadkii," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Bayaanka ayaa si gaar ah madaxda maamulada iyo dowlada federaalka ugu baaqay in ay heshiis ka gaaraan nooca cod-bixinta, kala qeyb-sanaanta siyaasadeed, dagaalka Al-Shabaab, deyn cafinta iyo xakameynta Covid-19.

"Soomaaliya waxay wajahaysaa labadua - fursado taariikhi ah iyo caqabado waaweyn," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah oo lagu caddeeyay in Mareykanka ku garab taagan yahay Soomaalida gaarisya yoolkooda.

Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo isla markaana ay noqoto mid loo dhan yahay.

"Iyada oo loo marayo ballanqaad dib loo cusbooneysiiyay oo ah wada hadal nabadeed, waxaan ku kalsoonahay iskaashiga dowladda federaalka iyo maamuladda in uu sugi doono nabad, barwaaqo, iyo horumarka dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray.

Shalay ayay ahayd markii Mareykanka uu soo farageliyey is-mari-waaga wadahadalka dowladda iyo maamuladda oo shirar loogu gogol xaarayey ay burbureen markii maamulka Koonfur Galbeed uu diidey waqti iyo goobta loo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM