Mareykanka oo u hanjabey Al-Shabaab kadib markii Askari laga dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoogaga taabacsan Daacish ee ku sugan Puntland, kadib markii Askari looga dilay weerar ka dhacay Jimcihii duleedka Kismaayo.

Thomas Waldhauser, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa [AFRICOM] ayaa sheegay inay sii wadi howlgallada lagu wiiqayo khatarta Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee amniga gobolka.

“Istaraatiijiyadeena Geeska Africa waa inaan dhisnaa awoodda Ciidamda aan saaxiibada nahay si loo xaqiijiyo in laga adkaado kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah gobolka, Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri Thomas.

War Saxaafadeed uu soo saarey Taliyaha AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kaashanayo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya si uu dalalka Geeska Africa uga ciribtiro argagaxisada.

Hadalka Thomas Waldhauser ayaa yimid kadib markii Askari American ah lagu dilay, 4 kalena lagu dhaawacay weerar Jimcihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku qaadey saldhig cusub oo ku yaalla deegaanka Sanguuni, oo 350-KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 800 Askari oo Mareykan, Kenya iyo Soomaali isagu jiray ay ku sugnaayeen saldhiiga la weeraray, kuwaasi oo dagaal la galay xoogagii Al-Shabaab-ka ee kusoo duulay.

Washington ayaa kordhisay howlgallada dalka Geeska Africa ku yaalla sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo howlgalladii ay Ciidamada Mareykanka fuliyeen lagu dilay xubno badan oo Al-Shabaab iyo Daacish kamid ahaa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii March ee 2017 ayaa ku amray Ciidamada dalkiisa inay labo-jibbaaraan weerarda duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM