Mareykanka Oo War culus kasoo saarey Colaada Tukaraq
MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war uu kasoo saarey dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo ay shalay illaa iyo xalay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso in si deg deg u joojiyaan colaada, islamarkaana miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan, si ay ugada wada hadlaan wax kasta oo dhinac walba uu tabanayo.
“Hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa xabad-joojin degdeg ah ee ku aadan arinta Tukaraq,” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasoo Baraha Bulshada lasoo dhigay.
“Waxayna ku boorinaysaa maamulada Somaliland iyo Puntland wada-hadal iyo wadashaqayn dhab ah oo ku xiran dadka deeganka si loo soo afjaro colaadda [ka tagaan deegaanka Tukaraq[,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay howlgalka.
Geesta kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Aaga lagu dagaalamayay ayaa waxay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan, islamarkaana aanu jirin Saaka oo Arbaco ah wax dagaal ah, oo ka dhacay deegaanka Tukaraq.
Dagaalka ayaa wuxuu reebay saameyn xoogan marka loo eego inuu barakiciyay dad badan kuwaasoo isku diyaarinaayy bisha Barakeysan ee Ramadan, waxaana sidoo kale uu geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac isagu jira.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah loola oga khasaaraha nafadeed ee labada dhinac soo kala gaarey, dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo tan iyo 2002 ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland.
Baaqa Mareykanka wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay isa-soo tarayaan baaqyadda nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadda dagaalamaya ee Somaliland iyo Puntland.
GAROWE ONLINE