Mareykanka oo go'aan laga gaarey tarxiilida shaqsi Soomaali ah

Image

WASHINGTON, US – Garsoore xaga socdaalka oo heer federaal ah ayaa baabi'iyey in shaqsi Soomaali ah, kaasi sanado kahor loo xukumay dambiyo kala duwan, laga soo tarxiilo waddanka Mareykanka.

Cabdiqani Faysal Xuseen oo degan magaaladda Portland, gobolka Maine ayaa waxaa la xiray bishii Maaj ee sanadkii tegay 2018-kii.

Qareenadiisa ayaa sheegay in hadii loo musaafuriyo Soomaaliya uu la kulmi karo jirdil, taasi oo u sababeysa dhibaato maskaxda ah.

Garyaqaanka ayaa wuxuu daaha ka rogay in ay go’aankan u qaateen iyaga oo dhowraya Axdiga Caalamiga ee ka dhanka ah jirdilka.

Ben Wahrer, qareenka Xuseen, ayaa carabka ku dhuftay in xukunkan ka dhigan yahay kalyeentigiisa uu baaqi kusii ahaanayo Mareykanka.

"Balse ma heli doono gargaar badan oo dhanka socdaalka ah, maxaa yeelay xukunkiisa," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waaxda Socdaalka ayaa Xuseen kusoo eedeysay saddex dambi oo kala ah; kicin sharci darro ah; iibinta Khaad iyo in uu sharci darro ku galay Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, Xuseen, oo aan da'diisa lasoo bandhigin, ayaa wuxuu haatan fursad u heli doonaa in uu lasii noolaado qoyskiisa, inkasta oo uu la kulmi karo culeysyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM