Markab laga qafaashay meel u dhow Muqdisho oo lasii daayay

Image
Markabkan ganacsi ee lagu magacaabo Basilisk ayaa waxa uu watay calanka waddanka Liberia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa Jimcihii sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya oo looga shakiyay in ay ku haysteen burcad badeed, 17-shaqaale ah oo la socdayna ay bad qabaan.

Markabkan waxaa weeraray kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed meel 380 nautical miles bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xilli uu marayey dhinaca waqooyi, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay Basilisk ka raaceen diyaarad helikobter ah habeenimadii Khamiista, iyagoo u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta si uu u soo jawaabo.

Mid kamid ah shaqaalihii markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha looga shakisan yahay burcad-badeedda ayaa la sheegay in xaaladiisu ay wanaagsan tahay, waxaana la sheegay in la daweynayo.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa qalalaase ka abuuray biyaha xeebaha dheer ee dalka intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018 balse waxa ay ku jireen hurdo la’aan ilaa dabayaaqadii sanadkii hore markaas oo ay dib u soo cusboonaatay falalka budhcad badeedu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM