​Maroodi kusoo laabtay Somalia

Image

NAIROBI- Marood dhedig oo lagu magacaabo Morgan, ayaa lasoo shaaciyay inuu dalka Somalia ku laabtay muddo 20 sano ah, kadib waxaana la xaqiijiyay inuu gaaray xuduuda u dhaxaysa dalka Kenya iyo Somalia gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Morgan, ayaa hayaanka bilaabay bishii Janaayo ee sannadkan, isagoo saddex todobaad kadib gaaray ciida Somalia, waxaana warbixin ay daabacday warbaahinta AFP lagu sheegay in arrintan laga soo xigtay hay'ad Kenya u qaabilsan arrimaha xayawaanaadka.

Maroodigaan ayaa dalka Somalia ka qaxay 1991-kii, waxaana uu dib u soo laabtay isagoo 30 sano jir ah oo xusuusanaya wadadii uu maray xilli uu yaraa, isagoo kasoo tallaabay deegaan xeebeedka kenya ee Lamu.

Arrintan, ayaa timi xilli uu weli dalka Somalia ku jiro dhibaatooyin ay sababeen colaado, waxaana dhicitaankii dowladdii Maxamed Siyaad Barre horseeday in dalka Kenya u haajiraan ugaar iyo xayaawaanka noocyadiisa kala duwan.

Kenya ayaa dhaqaalo xooggan kasoo gaalaan nafaacsiga duur-joogta gaar ahaan kuwa loo soo dalxiis tago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM