Marxuum Jawaari oo Aas Qaran loogu sameeyay magaaladda Muqdisho

Image
Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Duugta, Salaada Janaazada iyo Maamuuska marxuumka.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM