Mas'uuliyiin cusub oo lagu hor-dhaariyay baarlamaanka Soomaaliya

Image
Golaha Shacabka ayaa sidoo kale u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda  Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda  Maalgashiga Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM